Muqdisho: Askari horay u dilay askari kale oo dil toogasho ah lagu xukmay

Maxkamadda Derejada Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo lagu helay in uu askari kale si bareer ah ugu dilay gudaha Magaalada Muqdisho.

Saddex Xarigle Liibaan Cabdi Faarax ayaa lagu helay in uu 10 December 2019 degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho ku dilay Marxuum Maxamed Daahir Siyaad oo isna ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay Xukunka ayaa sheegay in dil toogasho ah maxkamaddu ku ridday Edaysanah kadib markii uu ku caddaaday Dambiga loo haysto.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Xukmane Liibaan Cabdi Faarax uu haysto mudda 30 Cisho ah oo Rafcaan qaadasho ah.

Halkaan ka akhriso Xukunka oo Faahfaahsan

PUNTLAND POST