Odayaal iyo waxgarad si adag uga hadlay Dagaalkii Gaalkacyo

Odyaal iyo waxgarad ku sugan Magaalada Gaalkacyo oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag u cambaareeyay Dagaalkii Xalay iyo saaka ka dhacay Gaalkacyo oo sida ay sheegeen cid gaar ah lagu beegsaday.

Odayaashu waxay sheegeen in iska hor-imaadka ka dhacay xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo  uu ahaa mid lagu beegsaday dad Rayid ah oo halkaas degganaa kuwaas oo sida ay tilmaameen loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana khasaare naf iyo maal la gaarsiiyay.

Sidoo kale waxay beeniyeen in Kooxo Khamriga ka ganacsada ay ku jireen Xaafadda la weeraray iyagoo xusay in dadka iska hor-imaadkii xalay ku dhintay ay ahaayeen Culimo iyo Aqoon-yahanno Xaafadda ku noolaa.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa sidoo kale Dowladda Puntland ugu baaqay in ay jawaab iyo Raalli-gelin deg deg ah ka bixiso wixii halkaas ka dhacay si loo dejiyo Dadkii Eheladooda dhibku gaaray loona xaqiijiyo Nabadda iyo Xasiloonida.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST