Guddiga Amniga Gobolka Mudug oo Shir deg deg ah kula jira Odayaasha iyo waxgaradka Gaalkacyo

Guddiga Amniga Gobolka Mudug, oo ay weheliyaan Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolka, ayaa haatan u fadhiya Shir Deg deg ah oo looga arrinsanayo Xiisadda Colaadeed ee ka soo cusboonaatay Magaalada Gaalkacyo.

Guddiga haatan ku jira shir albaabadu u laaban yihiin, waxay Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka kala hadlayaan, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka aloosan Magaalada, taasi oo ka dhalatay iska hor-imaad xalay dhexmaray Ciidamada Amniga Puntland iyo Kooxo ka ganacsada Khamriga, kaas oo ay ku dhinteen laba ruux, saddex kalena ku dhaawacmeen.

Iska hor-imaadkii xalay, ayaa sababay in saaka Malayshiyaad hubaysan oo hab-qabiil u abaabulan ay weerar ku qaadeen xarunta Madaxtooyada Puntland, oo ku taalla gudaha Suuqa dhanka waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo, inkastoo markii dambe dib loo riixay Malayshiyaadkii.

Dagaalkii Saaka inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Hal qof oo dumar ah, waxaana ku dhaawacmay ilaa lix ruux oo kale oo ay ku jiraan Askar ka tirsan Ciidamada Amniga Puntland.

PUNTLAND POST