Al-shabaab oo soo bandhigay Gaari dagaal oo ay ka furteen Kumaandooska DANAB

Gaariga Al-shabaab soo bandhigtay

Ururka Al-shabaab ayaa war ka soo saaray dagaal xalay iyaga iyo ciidamada kumaandooska DANAB ku dhexmaray Degaanka Mubaarak oo hoosyimaada Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Al-shabaab waxay sheegeen in ay fashiliyeen weerar xooggan oo ay xalay ku soo qaadeen Ciidanka Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB islamarkaana uu khasaare kala duwan ka dhashay Dagaalkaasi.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay in saddex askari oo ka tirsan Ciidanka DANAB lagu dilay Dagaalka afar kalena lagu dhaawacay inkastoo aysan xusin khasaaraha iyaga dhankooda gaaray.

Sidoo kale Al-shabaab waxay soo bandhigeen sawirka Gaari Cabdi-bile ah oo Qori saaranyahay kaas oo ay sheegeen in ay ka qabsadeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB.

Taliska Ciidamada DANAB ayaan weli dhankooda war ka soo saarin Dagaalkii xalay sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan dhinacyada dagaallamay oo xaqiijin karta Khasaaraha kala gaaray.

PUNTLAND POST