Sicir barar ba’an oo ku dhuftay Puntland

Sicir barar ku yimid Sarrifka Dollarka Suuqyada Puntland

Sicir barar ba’an ayaa ku yimid Qiimaha Sarrifka Dollarka Suuqyada Puntland, waxaana Maanta oo Jimce ah meelaha qaar Halkii Dollar maraya 44 Kun oo Shilin Soomaali ah, sida ay sheegayaan Sarriflayaasha Garoowe.

Sicir bararkaas, ayaa sababay in Qiimaha Maciishadda Daruuriga ah ee Degaannada Puntland ay cirka isku shareerto, taasi oo saamayn xooggan ku yeelatay Nolosha Ganacsatada Yaryar iyo Qoysaska Danyarta ah ee aan haysan Dhaqaalaha ku filan.

Sidoo kale, Xoogsatada Muruq-maalka ah oo joornaato ahaan u qaata Shilin Soomaaliga, ayaa ka cabanayaa in ay waxba u goyn wayday Lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd, kadib markii uu saameeyay sicir bararka ba’an ee ku yimid Qiimaha Sarrifka Dollarka.

Waxaa sidoo kale la soo sheegaya, in ay xirmeen qaar kamid ah Xarumaha Ganacsiga yar yar ee isticmaalaha Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kuwaas oo ku musallifay Sicir bararka baahsan ee ka jira Puntland.

Dhinaca kale, waxaa Suuqyada Puntland aad ugu yaraaday Noocyada kala duwan ee Khudaarta ka timaadda Waddanka Itoobiya, kadib Rabshadihii halkaasi ka dhacay, xilli Khudaarta gudahana uu si daran u saameeyay Sicir bararka.

Ganacsatada qaarkood, waxay sheegayaan in Sicir bararkan uu yahay kii ugu darnaa abid ee ka dhaca Puntland, tan iyo markii la as’aasay sannadkii 1998-dii.

PUNTLAND POST