Dib u dhac ku yimid Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ayaa ku warramaya in Maanta oo Jimce ah uu dib u dhacay, Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka uga furmi lahaa Dhuusamareeb.

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo xalay kulamo gaar-gaar ah yeeshay, ayaa isla go’aamiyay in Shirka uu si rasmiya u furmo Sabtida Berriya, maadaama uu Maanta ku beegmay wakhti Fasax oo Jimce ah.

Shirka waxa ka qayb-galaya dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada sida Jubaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhammaantood haatan ku sugan Dhuusamareeb.

Arrimaha ugu muhiimsan oo Shirka looga hadlayo waxaa kamid ah Doorashooyinka ku soo socda Dalka, Khilaafka Madaxda Federaalka &Dowlad Goboleedyada, Arrimaha Amniga iyo Dib u-eegista Dastuurka.

PUNTLAND POST