Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay iska hor-imaad ka dhacay Gaalkacyo

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad caawa xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Laamaha Amniga Puntland iyo kooxo hubaysan.

Ciidamada oo gudaha xaafadda Garsoor ka waday hawlgal lagu beegsanayo Maandooriyaha Khamriga ayaa iska caabbin kala kulmay kooxo hubaysan oo Khamriga ka ganacsada sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Booliiska.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay burburiyeen xarun ay Khamrada ku keydsan jireen kooxaha maandooriyaha ka ganacsada sidoo kalena ay xabsiga dhigeen xubno ka tirsan kooxdaas inkastoo aysan tiradooda xusin.

Hawlgalka lagu beegsanayo Khamriga oo Caawa ka bilowday gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale weli ka socda xaafado ka tirsan magaalada.

PUNTLAND POST