Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh oo dhex-dhexaadinaya Guddoonka labada Aqal

Hoggaamiyaasha Madasha Xisbiyada ee ka dhisan Muqdisho ayaa bilaabay kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xassan Sheikh Maxamuud oo labaduba haatan hoggaamiya Madasha Xisbiyada ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo ku xigeenkiisa kowaad Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari).

Labada hoggaamiye sidoo kale waxay Kulan ka qaateen Guddoomiyaha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa Kowaad Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey.

Ujeedka Kulamadaas ayaa ahaa sidii loo dhex-dhexaadin Guddoonka labada Aqalka ee Baarlamanka islamarkaana loo soo celin lahaa xiriirkii iyo Wada-shaqayntii labada dhinac oo in mudda ah go’an.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya waxaa todobaadyadii u dambeeyay ka dhex taagnaa Khilaaf iyo wada-shaqayn la’aan ka dhalatay Xeerar ay maroorsadeen Guddoonka Golaha Shacabka.

PUNTLAND POST