Madaxweynaha Jubaland oo lagu soo dhoweeyay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Wefdi uu hoggaaminayo, ayaa galabta Gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug, halkaas oo saacadaha soo socda uu ka furmayo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo sidoo kale dadweyne kala duwan.

Dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka, ayaa haatan ku wada sugan Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu furmo Shirka ay halkaas ku yeelanayan Dowlad Goboleedyada.

Shirka, waxaa looga hadlaya Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya, Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka iyo sidoo kale Qodoba kale oo ay kamid yihiin Amniga Qaranka iyo Dib u-eegista Dastuurka.

PUNTLAND POST