Khayre oo ka cabsi qaba muddo kordhin loo sameeyo dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta guddoomiyay shirka Golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre

Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xiligan kala guurka ah ay siyaasadda ku kala aragti kuwan yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre. Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya in dowladiisa muddo kordhin labo sano ah loo sameeyo, si loo gaaro doorasho qof iyo cod.

Halka Ra’iisul Wasaare Khayre uu taas ka cabsi qabo, oo haddii ay dhacdo uu meesha ka baxayo, markaasna la soo dhisi doono Xukuumad lagu mideysan yahay oo mucaaradku qeyb ka yihiin.

PUNTLAND POST