Axmed Madoobe oo Ilaalo xooggan iska hormariyay

Ilaa 30 askari oo ka tirsan Ilaalada Khaaska ah ee Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka oo Khamiis ah loo daad-gureeyay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ilaaladan gaarka ah oo si weyn u qalabaysan ayaa goor dhoweyd ka duulay garoonka Diyaaradaha Kismaayo waxaana ay ku sii jeedaan Magaalada Dhuusamareeb oo uu ka furmayo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada si ay u xaqiijiyaan Amniga Madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Puntladn Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna shalay iska sii hormariyay ilaalo xooggan oo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland kuwaas oo sugi doona Amniga Madaxweynaha mudada uu ku jiro Shirka.

Sidoo kale waxaa Dhuusamareeb laga saaray Booliiska gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loo yaqaanno Haramcadka kuwaas oo horay gacanta ugu hayay Amniga Magaalada.

PUNTLAND POST