Muqdisho: Askari xabad Sigaar ah ku dilay Qof Shacab ah oo dil toogasho ah lagu xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Saaka oo Arbaco ah xukun dil ah ku ridday eedaysane Nuur Daahir Geedi oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Soomaaliya kaas oo lagu helay in uu dil u gaystay Qof Shacab ah.

Xukmanaha ayaa lagu helay in uu 16-kii June 2020 Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ku dilay Marxuum Cumar Xassan Macallin oo kamid ahaa Ganacsatada Yar yar ee Degmadaasi kadib markii ay isku af-dhaafeen xabbad Sigaar ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Xukmanuhu haysto Rafcaan-qaadasho ku siman mudda 30 Cisho ah.

Halkaan ka daawo Muuqaalka Xukunka

PUNTLAND POST