Madasha Xisbiyada ay hoggaamiyaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa War kasoo saartay Shirka Dowlad Goboleedyada Dalka uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada waxaa lagu soo dhaweeyay Shirka Madaxweyneyaasha Maamulada dalka ee 9-ka bishaan u furmaya kaasi oo looga hadli doono Arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobo kale.
Madasha ayaa sheegtay in ay ka xun tahay fashilkii ku yimid kulankii Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo Magaalada Muqdisho ka dhici lahaa 5-8 bishan July.
Sidoo kale Madasha Xisbiyada ayaa Madaxda dowladda Federaalka ugu baaqday in ay u istaagaan gudasha waajibaadka ka saran howlaha Dastuuriga ah ee dalka ee suurta-gal ka dhigi kara qabsoomida Doorasho xor iyo xalaal ah.

PUNTLAND POST