Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casumay Dowlad Goboleedyada oo baaqday

Shirkii Madaxweyne Farmaajo ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, oo la filayay in uu Muqdisho ka furmo 5-ta July,  oo maanta ku beegan, ayaa lagu soo warramayaa in uu baaqday.

Shirka oo la doonayay in uu qabsoomo, inta u dhexaysa  5-8July 2020, ayaa ajandihiisu ahaa sidii wadatashiyo looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo kamid ahaa Madaxdii lagu casumay Shirka, ayaa sheegay in uusan ka qayb-geli doonin, isagoo taageeray Go’aankii Baarlamanka Puntland ee la xiriiray in aysan Puntland ka qayb gelin Shirkaas.

Jubaland ayaa sidoo kale la sheegay in ay raacsantahay mowqifka Puntland ee ku aaddan, in aan laga qayb-gelin Shirka Muqdisho, maadaama ay isku xulafo yihiin Puntland iyo Jubaland, islamarkaana khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxda Dowlad Goboleedyada kale ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaan midna weli tegin Magaalada Muqdisho, si ay Shirka uga qayb-galaan.

PUNTLAND POST