Ciidamada Puntland oo Boosaaso ku qabtay Shakhsiyaad lagu tuhmayo Al-shabaab iyo Daacish

Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Bari, ayaa Magaalada Boosaaso ku qabtay shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay xiriir la leeyihiin Malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Bari, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in hawlgal saacadihii la soo dhaafay ciidamadu ka sameeyeen gudaha Boosaaso, ay gacanta ku soo dhigeen in ka badan 10 ruux oo lala xiriirinayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiishu waxay sheegeen, in guryaha dadkaas laga soo qabtay qaarkood laga helay hub iyo jaakadaha loo adeegsado Qaraxyada, oo ay doonayeen in ay weerarro kaga fuliyaan gudaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay haatan baaritaan ku hayaan shakhsiyaadka la qabtay, islamarkaana ay dib ka faahfaahin doonaan natiijada ka soo baxda baaritaanka ku socda shakhsiyaadka.

Ciidamada Amniga Puntland, waxay todobaadyadii u dambeeyay hawlgallo xiriir ah ka wadaan gudaha Boosaaso, kuwaas oo lagu xaqiijinayo Amniga Magaalada, laguna fashiliyay weerarro kala duwan oo ka dhici lahaa Boosaaso.

PUNTLAND POST