Taliska Booliiska Soomaaliya oo ka warbixiyay Khasaaraha qarax ka dhacay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixiyay qarax gaari saaka  lala beegsaday waaxda ilaalada Canshuuraha Berriga oo ku taalla ka soo horjeedka Dekedda magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Shan askari oo ka tirsan Booliiska gaar ahaan Ciidanka ilaalinayay xarunta.

Sidoo kale wuxuu sheegay  in Ciidanka Booliska ay rasaas ku fureen gaariga ka hor inta uusan soo gaarin xarunta Ilaaladda Canshuuraha islamarkaana uu ku geeriyooday kaliyah qofkii waday gaariga Qarxay.

Afhayeenka ayaa nooca gaariga qarxay ku sheegay in uu ahaa kuwa raaxada  ee loo yaqaana Surf Madow ah.

PUNTLAND POST