Maxay kawada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha Shiinaha?

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku kulmay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Qin Jian ay kawada hadleen xiriirka dhexmaray Somaliland iyo Taiwan.

“Labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Madaxweyne Farmaajo wuxuu la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka Shiinaha”ayaa laga yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Shiinaha uu sheegay in ay ka go’antahay dhowrista qarannimada iyo Midnimada Soomaaliya.

Taiwan oo aan dunida laga aqoonsanayn ayaa dhawaan xiriir la sameysay Somaliland, arrintaas oo ka caraysiisay Shiinaha oo sheegay in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dalka Shiinaha, dowladda dalkaasina ay matesho dhammaan Shiinaha.

Taiwan ayaa sheegtay in iyaga iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in midba midka kale uu xafiis ka furto, sidoo kale Somaliland ayaa tilmaantay inay soo dhaweyso iskaashigaas.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Villa Somalia

PUNTLAND POST