Duullimaadka gudaha oo la furayo iyo amar la duldhigay dowlad goboleedyada

Shir Golaha Wasiirada Soomaaliya maanta yeesheen ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadyada gudaha, si loo fududeeyo isu socodka bulshada, iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka Covid-19.

Golaha ayaa dood dheer oo ay arrintaas ka yeesheen kadib cod aqlabiyad leh ku ogolaaday in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 2020, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad.

Shir Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka oo maanta shir guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale lagu meel mariyay heshiis gaadiidka badda oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Qatar iyo hindise-sharciyeedka summadaha Ganacsiga.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay is-afgarad ganacsi oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, is-afgarad ku saabsan samaynta Guddi Sare oo isku dhaf ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, is-afgarad ku saabsan machadka diblomaasiyadda oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Is-Afgarad la xiriira wada-tashiga siyaasadeed ee qadiyadaha ay wada danaynayaan labada Wadan ee Soomaaliya iyo Qatar.

PUNTLAND POST