Madaxweyne Deni oo taageeray Go’aannadii ka soo baxay Baarlamanka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay xalay Munaasabadda Xuska Sanad guurada 60-aad ee Xoriyadda iyo Midowga Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo haatan ka tirsan Guddoonka Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya, Goleyaasha Dowladda Puntland , Saraakiisha Ciidamada , Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacayo, odeyaaasha dhaqanka, Haweenka , Dhallinyarada, Qurbojoog, kooxaha Fanka ee Puntland iyo dadweyne kale .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadal jeedintiisii xalaykaga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, wuxuu Madaxweynuhu taageeray go’aankii Baarlamaanka Puntland kasoo baxay 29-kii June ee ku saabsana tallaabooyinka aan sharciga waafaqsaneen uu qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Puntland oo calanka saaray saacadu markay gaartay 12-kii habeenimo. Intaasi kadibna waxaa uu ubax dhigay Taalada Calanka ee Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo.

PUNTLAND POST