Machadka Heritage: Xal u helida jahawareerka doorashooyinka Soomaaliya

Machadka Heritage ee daraasaadka oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta soo saaray warbixin uu ugu magacdaray “xal u helida jahawareerka doorashooyinka Soomaaliya”.

Warbixinta Machadka ayaa lagu sheegay in ay jirto fursad aad u yar oo lagu xallin karo xiisaddaha ka jira doorashooyinka waqtigoodu aadka u soo dhawaaday, isla markaana ay daruuri tahay in la helo dariiq loo maro xalka dhabta ah ee loo dhan yahay.

Machadka Heritage ayaa soo jeediyay in la qaato laba talaabo midkood, kuwaas oo ka hortegi kara in xaaladdu gacanta ka baxdo, wadadana u xaari kara is-afgarad, horseedina karta inuu abuurmo jawi lagu wada shaqeyn karo oo ka dhex dhasha hormuudka saamileyda siyaasadda.

1. Doorashooyin Dadban oo siyaasad ahaan looga heshiiyey

Machadka ayaa soo jeediyay in qaabka kowaad ee xal loogu heli karo jahawareerka doorashooyinka Soomaaliya uu yahay, iyadoo ay dalka ka dhacaan doorashooyin Dadban oo siyaasad ahaan looga heshiiyey.

Machadka ayaa sababaha ka dhigaya maangal doorasho Dadban oo siyaasad ahaan looga heshiiyo ku sheegay labo arrimood oo kala ah, in sharciyadda dastuuriga ah ee Baarlamaanka iyo DFS ay dhacayaan dhowr bilood gudahood, dastuurkuna uusan ogolayn in ay iskood mudada u kororsadaan iyo in Guddiga doorshooyinka madaxa bannaan uu waajibaadkooda ku egyahay bartamaha sanadka soo socda, sidaas darteedna aysan doorasho ku qaban karin.

2. Muddo kordhin siyaasad ahaan looga heshiiyo

Machadka ayaa soo jeedinta labaad ku sheegay muddo kordhin siyaasad ahaan looga heshiiyo, taas oo lamid noqon karta heshiiskii Kampala (Kampala Accord) ee bishii Juun ee 2011 kana dhexdhaca hormuudka saamileyda siyaasadda.

Machadka Heritage ayaa soo jeediyay in ay ku heshiin karaan saamileyda siyaasadda (DFS, DG-yada iyo xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan) in dib loo dhigo doorashooyinka dalka ugu yaraan laba sano, si loo dhammaystiro sharciga doorashada, sharciga xisbiyada siyaasadeed iyo arrimaha lafdhabarka u ah xasilinta siyaasadda dalka.

Machadka ayaa sheegay in taasi ay dhici karto oo keliya haddii saamileyda siyaasaddu ay isku waafaqaan in loo guuro xasilooni siyaasadeed lana wada dhiso Xukuumad Midnimo Qaran (XMQ) taasoo ku salaysan dib-u-heshiisiin qaran oo sal-ballaaran.

Machadka wuxuu sheegay in haddii lagu heshiiyo Xukuumadd Midnimo Qaran la siin karo qorshe-hawleed dhameystiran oo diiradda lagu saari karo shan waajibaad-shaqo, oo la qeexay, laguna heshiiyey, kuwaas oo kala ah:

a– Soo celinta xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyay DFS iyo dhammaan DG-yada.

b– In la dedejiyo dib-u-eegista dastuurka ku-meel-gaarka ah loona diyaariyo afti qaran si aftidaas loogu beego xilliga doorashooyinka dalka.

c. In la aasaaso maxkamadda dastuurka iyo guddiga adeegga garsoorka si loo xoojiyo sarreynta sharciga iyo awoodaha korjoogteynta.

d. Dhammaystirka sharciga doorashada, sharciga axsaabta siyaasadeed iyo u diyaar garowga doorashada qof iyo cod (DQC) ah laba sano gudahood; wax ka beddelka iyo dejinta shuruucda GMDQ iyo weliba dib u habeyntiisa;

e. Dib u soo noolaynta qaab dhismeedka Amniga Qaranka si wax looga qabto khatarta Al-shabaab iyo ISIS.

Machadka Heritage ayaa xusay in xaaladda hadda dalka ka jirta ay tahay fashil guud iyo eed la wadaago. Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo mucaaradkana aysan la’iman mas’uuliyad hoggaamineed.

PUNTLAND POST