Dagaalkii Haramcad iyo NISA ee Dhuusomareeb iyo Galmudug oo ka hadashay

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa dagaal maanta duhurnimadii gudaha magaalada Dhuusomareeb ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka oo muddo saacad ah socday ayaa markii dambe ku istaagay dadaalo ay sameeyeen Galmudug iyo sariikiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay dagalkaas inta la ogyahay ilaa 5 ruux, kuwaas oo isugu jira ciidamadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug ayaa lagu sheegay in dhacdadaas loo saaray Guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin.

Gamudug waxay tilmaantay in Guddiga loo xilsaaray arrintaas uu soo baari-doono sababta keentay isku dhacaas iyo haddii ay jirto dhibaatooyin bulshada ka soo gaaray.

Sidoo kale Galmudug ayaa ugu baaqday ciidamada Dhuusomareeb ku dagaalamay in ay ilaaliyaan xasiloonida degaanada ay ka hawlgalaan iyo sumcadda ciidamada qalabka sida.

Dagaalkan ayaa ka bilaawday sida wararku sheegayaan muran ka taagnaa maalmahan adeegsiga bar koontrol oo ciidamada Haramcad ay maamulaan, taasi oo dhowr jeer lagu celiyay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan NISA.

PUNTLAND POST