Dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho iyo waayihii uu soo maray

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Talaado ah xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey Ciyaaraha Heerka Koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna kulan dhexmaray kooxda Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugnaa Garoonka waxa uu qiimeyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee uu kooban yahay, isaga oo wakhti la qaatay dhallinyarada loo carbinayo qeybta ciyaaraha miiska, warbixinna ka dhageystay Wasiirka Dhallinyarada iyo CIyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ku xigeenadiisa, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee soo matalay ciyaaraha kala duwan ee Qaranka iyo Isxilqaameyaasha Olalaha Dib u dhiska dalka.

Dib u dayactirka Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho waxaa dowladda Soomaaliya ka caawiyay Midowga Yurub iyo dolwadda Norway.

Waayihii uu soo maray

Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho waxaa markii ugu horreysay la dhisay 1978-dii, waxaana dhisay oo maalgaliyay Shiinaha, wuxuuna qaadaa in ku dhow 50 kun oo qof, waxaana bari-samaadkii lagu qabtay kulamo iyo bandhig faneedo taariikhi ah .

Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho wuxuu saldhig ciidan u noqday ciidamo kale duwan oo dalka u yimid siyaabo kala duwan, maadaama uu dhul baaxad leh ku fadhiyo, sidoo kale uu ku yaallo goob istiraatiiji ah.

Markii ugu horreysay sagaashamaadkii wuxuu saldhig ciidan u noqday ciidamadii Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwii ka socday dalka Pakistan.

Markii labaad ciidamada Itoobiya ayaa saldhig ka dhigtay markii ay galeen Muqdisho xiligii Cabdullaahi Yuusuf, waxayna daganayeen muddo sanado ah.

Markii saddexaad Al-shabaab ayaa la wareegtay oo xarun tababar, xabsi iyo goob toogasho ka dhigtay, waxayna ka baxeen 2011.

Markii Afraad Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho waxaa la wareegay ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo fariisin ciidan oo lama galaan ah ka dhigtay.

7 sano kadib, Agoosto 2018 dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kala wareegtay AMISOM, kadibna ku bilowday dhismaha dib u dhiska ee maanta xariga laga jaray.

Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho oo hadda qaab casri ah loo dhisay ayaa qeyb weyn ka qaadanaya dib u soo noolaynta cayaaraha dalka.

PUNTLAND POST