Baarlamanka Soomaaliya oo war ka soo saaray Kuraasta la wareejiyay Degaan Doorashadooda

Guddoomiyaha Guddiga wadajirka ah ee dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Federaalka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabasho ka soo yeertay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed, taas oo ah in kuraastoodii Golaha shacabka deegaan doorashadooda loo wareejiyay gobol ama degmo aysan degin.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in arrintaas aysan ku dhicin ku talagal, balse ay tahay khalad ka dhacay daabacaadda xeerka Astaynta kuraasta Golaha shacabka, haatana ay diyaar u yihiin in ay saxaan.

Sidoo kale waxa uu xusay in sidii loo sixi lahaa khaladaadka jira ay la kaashan doonaan Guddoonka Golaha shacabka, isla markaana ay qaadan doonaan talooyinka ay soo jeediyaan xildhibaanada aragtida ka dhiibanaya xeerka Asteynta kuraasta Baarlamanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, oo  ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta Golaha Shacabka oo hor yaalla golaha ayaa isna sheegay in kuraasta loo wareejiyey gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay khatar ugu jiraan inay lumaan.

PUNTLAND POST