PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Video article Soomaaliya oo xil sare ka qabatay Qaramada Midoobay

Share

Soomaaliya ayaa muddo dheer kadib xil sare ka qabatay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa loo doortay Madaxweyne Ku xigeenka Golaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan fadhi-xileedka 75-aad ee 2020/2021.

Soomaaliya ayaa 33 sano kadib markii ugu horeysay dib u heshay kursigan oo ay markii saddexaad qabato.

Horaantii bishan ayaa Volkan Bozkır oo u dhashay dalka Turkiga loo doortay Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST