Xaliimo Yarey oo qirtay in doorasho qof iyo cod ah aysan dhici karin sanadkan

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka heer Federaal Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in doorasho qof iyo cod ah aysan qabsoomi karin dhamaadka sanadkan.

Xaliimo Yarey oo maanta oo hadal ka jeedisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xustay in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ay soo wajaheen caqabado ay ka mid yihiin ismaandhaafka siyaasadeed, nabadgalyo la’aanta iyo dhibaato caafimaad daro oo ka dhalatay cudurka safmarka ah ee COVID-19, kuwaas oo ay tilmaantay in ay xagal daaciyeen jadwalka shaqo ee Guddiga iyo geeddi socodka howlaha doorashada, sidaas darteed aysan doorasho ku qabsoomi karin xiligii loogu talagay.

“Waxaan ka hor caddaynaynaa Baarlamaanka iyo ummada Soomaaliyeed in doorashada ku dhacaysa habka biometric ka ah aysan suurto gal ahayn inay ku qabsoonto waqtigii loogu talagalay ee ahaa Nov. 27, 2020 sababaha aan soo sheegnay dartood” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in guddigeedu ay doorasho qof iyo cod ah ay ku qaban karaan muddo 13 bilood ah oo ka bilaabmaysa July 2020 kuna eg Aug. 2021, taas oo la macno ah in muddo kordhin la sameeyo dowladda.

“Annaga oo xaqiijinayna nooca doorasho ee sharcigu qeexay, isla markaana tixraacayna howlaha muddaysan ee sharciga ku xusan, waxaan cadaynaynaa in ay doorashada ku dhacaysa nooca biometricka ah ku qabsoomi karto muddo 13 bilood ah oo ka bilaabmaysa July 2020 kuna eg Aug 2021” ayay mar kale tiri Xaliimo Yarey.

Hadalka Xaliimo Yarey ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan lagu wado in madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay yeeshaan shir go’aan looga gaari doono doorashooyinka dalka 2020-2021.

PUNTLAND POST