Shir lagu Nabadaynayo beelaha ka soo jeeda Puntland iyo Galmudug oo ka furmay Bandiiradleey

Shirweyne Nabadayn ah oo lagu xallinayo Colaadda laba beelood oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii Shalay ka furmay degaanka Bandiiradley ee gobolka Mudug.

Shirkaas oo socon doona mudda 5 cisho ah waxaa Furitaankiisa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan Puntland iyo Galmudug, waxgarad iyo odayaal dhaqameed ka soo kala jeeda labada beelood.

Furitaankii Shirka waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu kamid yahay Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi sidoo kale waxaa ka hadlay mas’uuliyiinta heer Federaal iyo xubno ka socday Galmudug waxaana lagu gorfaynayay sidii loo xallin lahaa Colaadda labada dhinac.

Degaanka Teerage oo ku yaalla galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Puntland waxaa horay marar kala duwan u soo weeraray malayshiyaad ka soo gudbay dhinaca Galmudug kuwaas oo daba socday colaad u dhexaysa labadaasi beelood.

PUNTLAND POST