Madaxweyne Farmaajo oo lagaga oriyay Baarlamaanka

Kalfadhiga Todobaad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabtiya ka furmay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay Kalfadhiga ayaa markii uu bilaabay khudbada iyo salaanta waxaa ku bilowday buuq iyo oorin ay kala hor-tageen Xildhibaano ku kacsan, kuwaa soo qaarkood yeerinayay firimbi.

Madaxweyne Farmaajo, waxyaabihi ugu muhiimsanaa ee uu kusoo qaaday khudbaddiisii la wada sugayey waxaa kamid ahaa, codsi uu u jeediyay mudanayaasha Golaha Shacabka, oo uu ka codsaday in ay ku raacaan meel-marinta maqaamka siyaasadeed ee caasimadda Muqdisho.

Wuxuu kaloo ballan qaaday in doorashooyinka Soomaaliya ee foodda nagu soo haya ay waqtigooda ku dhici doonaan. Arrintaan ayay siyaasiyiinta mucaaradka iyo hay’adaha iyo dalalka caalamiga ah ee taageera dowladda wal wal ka qabeen maalmahaan,kaddib marki uu soo baxay shaki ah in dowladda ay daneyneyso muddo kororsi.

PUNTLAND POST