Madaxweyne Deni oo qiimayn ku samaynaya sida loo maareeyay gurmadkii Qardho

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalmaha soo socda mar kale ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaas oo weli ka soo kabanaysa khasaaraha Fatahaaddii Roobabka.

Madaxweyne Deni, ayaa sida wararku sheegayaan kormeer iyo u kuur-gelid ku soo samayn doona, xaaladda ka jirta magaalada iyo saamaynta ay reebtay fatahaaddii daadadka Roobka, taas oo khasaare laxaadleh gaarsiisay Qardho.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale qiimayn buuxda ku samayn doona sida loo maareeyay gurmadka ka socda Qardho iyo xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dadkii ku hanti-beelay daadadka, kuwaas oo qaarkood sheegeen in aysan weli waxba ka soo gaarin gurmadka socda.

27-April ee sannadkan 2020, Fatahaaddii daadadka ee ka dhacday magaalada Qardho, waxa la xaqiijay in ay ku dhinteen sideed ruux oo saddex kamid ah ay carruur ahaayeen, waxaana ku barakacay dad gaaraya 2600 oo qoys.

Fatahaadda ayaa sidoo kale saamaysay ilaa 5000 oo guri, kuwaas oo ay ku jiraan 750 guri oo gebi ahaanba ku dumay daadadkaas, halka ay ku burbureen in ka badan 1020 xarumood oo Ganacsi.

Qiimaynta Khasaaraha guud ee magaalada gaaray, waxaa lagu qiyaasay $40 milyan oo Dollar sida laga soo xigtay warbixin ay diyaariyeen guddiga gurmadka Qardho.

28-April 2020, madaxweyne Deni oo socdaal deg deg ah ku tegay magaalada Qardho kadib fatahaaddii daadadka waxa uu durbadiiba magacaabay guddiga guud ee gurmadka Qardho oo ay ku midaysan yihiin guddi-hoosaadyo kala duwan.

Mudane Deni, ayaa sidoo kale maalmo halkaasi u joogay dadaalladii iyo gurmadkii dowladdu wadday, kaas oo lagu gurmanayey shacabka ku waxyeelloobay dhibaatadii dhacday.

PUNTLAND POST