Madaxweyne Deni oo Wasiir ku xigeen cusub u magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha

Wasiir ku xigeenka Cusub Hodon Siciid Xassan

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah wasiir ku xigeen cuusb u magacaabay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland.

 Madaxweynaha Dowladda Puntland, wuxuu Wasiir ku xigeeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha u magacaabay Hodon Siciid Xassan oo horay u ahayd Agaasimaha Waaxda Dimuqoraaddiyaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

 22-kii bishii tagtay ee May 2020, Madaxweyne Deni ayaa xilkaasi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha u magacaabay Maxamed Axmed Xasan oo loo yaqaan (Heersare), balse ninkii la magacaabay ayaa diiday Booska.

13-Agoosto 2019, Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa Hodon u magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimoquraaddiyaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxaana ay xilkaasi haysay in ka badan sagaal bilood, ka hor intaan maanta laga dhigin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

PUNTLAND POST