Kacdoon ka dhashay maxbuus oo ka bilowday Djibouti

Magaalada Jibouti ee caasimadda waddanka Djibouti, ayaa saaka oo Khamiis ah waxaa ka bilowday, dibax-baxyo lagu dalbanayo in xabsiga laga sii daayo nin askariya oo u xiran dowladda.

Askariga xiran oo duulliye ah, magaciisana lagu sheegay Fu’ad Yousuf Ali, ayaa hadal-hayntiisu baraha bulshada qabsatay, kadib markii uu muuqaal isaga soo duubay gudaha xabsiga, isagoo sheegay in lo gaystay dulmi ,islamarkaana uu ku dhex xiranyahay suuli aad u nadaafad-xun oo bahalo galeen ah.

Maxbuus Fu’ad, ayaa sheegay in markii hore xabsiga loo geliyay, kadib cabasho uu ka muujiyay dulmi ka haystay saraakiisha isaga maamula, balse taas beddelkeeda, isagii xabsi suuliya lagu illaaway halkaasna uu silic iyo dayac ku haysto.

Sidoo kale, xaaska maxbuuska xiran oo muuqaal soo duubtay, ayaa shacabka Djibouti ka dalbatay, in ay garab istaagan iyada iyo saygeeda, oo sida ay sheegtay dulmi iyo xaq-darro ku xiran.

Dowladda Djibouti weli kama hadlin dhacdadaaas, oo saacadihii u dambeeyay baraha bulshada qabsatay, inkastoo la soo sheegayo in ay saaka awood ciidan u adeegsanayso shacabka dibax-baxyada dhigaya.

Madaxweynaha mudada dheer maamulayay Djibouti ee Ismaïl Omar Guelleh, ayaa marar kala duwan lagu eedeeya xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda insaanka, kuwaas oo u badan xabsi iyo ciqaab la mariyo kooxaha mucaaradsan dowladdiisa.

Mudane Guelleh, oo markii u horraysay xilka madaxtinimada Jibouti ku guulaystay sannadkii 1999, ayaa saddex jeer oo dambe dib loo doortay sannadihii 2005, 2011 iyo 2016 waxaana dhammaan doorashooyinkaas lagu tilmaamay kuwa uu ku shubtay.

PUNTLAND POST