Boosaaso: Haweeney uu ku dhintay ilmo ay xadday oo dil lagu xukumay

G. maxkamadda Abukar Cabdinuur Jaamac

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay eedaysane Ruqiyo Cabdiraxmaan Maxamed oo lagu helay in ay xadday ilmo sannad-jir ah kaas oo ku dhintay gurigeeda.

Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari Abukar Cabdinuur Jaamac oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in eedaysane Ruqiyo ay qiraal ka tahay dambiga lagu soo oogay ee ah in ay xadday gabar sannad jir ahayd taasi oo gurigeeda ku dhimatay sabab kastaba ha u dhimatee.

Sidoo kale sayga qaba haweeneydaas la xukumay oo magaciisu yahay Ismaaciil Cali Nuur ayay maxkamaddu ku xukuntay saddex sannadood oo xarig ah inkastoo aan lagu helin caddayn muujinaysa in uu qayb ka ahaa xatooyada ilmahaasi yar.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labada xukmane oo kala ah haweeneyda iyo saygeeda ay haystaan mudda 30 cisha ah oo Rafcaan qaadasho ah.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST