Suudaan oo sheegtay in dib loo bilaabayo Wada-xaajoodkii Muranka Webiga Niilka

Wasiirka Biyaha Dowladda Suudaan Yaasir Cabbaas ayaa sheegay in ay dib u bilaabayaan kulamo ku saabsan xal u helidda Muranka Biyaha Xireenka webiga Niilka oo ay la yeelan doonaan mas’uuliyiin ka socda dalalka Masar iyo Itoobiya.

Wakaaladda Wararka Dowladda Suudaan ayaa wasiir Cabbaas ka soo xigatay in ay laba Wefdi oo ka socda Masar iyo Itoobiya ay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan Arbacada Barriya si dib loogu bilaabo Wada-xaajoodka saddex geesoodka ah ee Muranka Biya Xireenka Webiga Niilka.

Saddexda waddanka waxaa u dhexeeya Muran ku salaysan Biya Xireenka ay Dowladda Itoobiya ka dhisayso Webiga Niilka kaas oo ay diiddan yihiin dalalka Suudaan iyo Masar balse Khilaafka ugu adag ayaa haatan ka dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

Khilaafkaas ayaa sidoo kale saameeyay Xiriiirkii Dibloomaasiyadeed ee labada Waddan ( Masar iyo Suudaan) kaasi oo aad hoos ugu dhacay sababa la xiriira Biya Xireenka Webiga Niil.

PUNTLAND POST