Muxuu la xiriira dhaqdhaqaaqa Somaliland ka waddo Tukaraq?

Dadka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa maalmihii u dambeeyay soo sheegayay in Ciidamada Somaliland ay halkaasi ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u muuqda xiisad dagaal islamarkaana ka duwan sidii hore.

Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay gaadiid iyo ciidamo cusub keentay degaankaasi Tukaraq sidoo kalena waxay isku ballaariyeen fariisimo horleh kuwaas oo ka baxsan halkii ay horay u joogeen Ciidamada Somaliland.

Waxaa jirtay in dad kala duwan oo ku sugan Tukaraq ay sheegeen in xiisad colaadeed ka aloosantahay degaanka maadaama ay Somaliland ciidamo cusub keentay halkaasi sidoo kalena ay isku fidisay fariisimo horleh.

Haddaba  weriyaasha gobolka Sool qaarkood oo Puntland Post xiriir la samaysay ayaa dhinaca Somaliland ka soo xigtay in aysan jirin xiisad colaadeed oo Tukaraq ka aloosan balse ay jiraan ciidamo cusub oo Somaliland halkaasi gaysay kuwaas oo beddelay qayb kamid ah ciidamadii horay u joogay degaanka.

Ciidamada cusub oo qaybtood dhowaan tababaro soo dhammaystay ayaa fariisima horleh ka samaystay degaanka Tukaraq taas oo dadka qaarkood u maleeyeen xiisad dagaal sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Somaliland oo arrintaas ka jawaabay.

©PUNTLAND POST