Laamaha Amniga gobolka Banaadir oo looga mahadceliyay xaqiijinta Amniga

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa shir-gudoomiyay kulanka degmooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir, oo todobadkii mar la qabto.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliiska Soomaaliya S/Guuto Saadaq Cumar Xasan, guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaasha saldhigyada iyo taliye qeybeed yada gobolka Banaadir iyo sidoo kale  gudoomiye ku xigeenada maamulka gobolka banaadir iyo taliyaha Booliska ee Gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska duqa Muqdisho ayaa lagu sheegay in kulanka loogu mahadceliyay ciidanka amniga ee qaabilsan gobolka Banaadir sida ay ugu guuleesteen sugida amniga Caasimadda bishii barakeysneed ee Ramadaan iyo sida ay ula shaqeeyeen maamulka gobolka banaadir iyo maamulada degmooyinka.

 “Waxaan uga mahadcelnineynaa Ciidamada Amniga Sugida amniga Caasimada bishii kheyrka badneed ee inoo soo dhammaatay ee Ramadaan sida ay u sugeen amniga iyo sida ay ula shaqeeyaan shacabka, maamulka gobolka banaadir iyo maamulada degmooyinka” ayuu qoraalku ka soo xigtay guddoomiye Cumar Finish oo kulankaas ka hadlay.

PUNTLAND POST