Ciidamo ku sugan Gobolka Gardafuu oo sheegay in ay ka go’een Puntland

Ciidamo hubaysan oo saaka muuqaal isaga soo duubay gudaha Gobolka Gardafuu oo ku yaalla bariga fog ee Puntland ayaa sheegay in ay ka go’een dowladda Puntland islamarkaana ay noqdeen ciidamo degaanka ah oo taageersan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiil u hadashay ciidankaas ayaa sheegay in ay caddaalad-xumo ka tirsanayaan xukuumadda Puntland oo sida ay sheegeen dhegaysan wayday cabashooyin ka jira Gobolka Gardafuu sidaasi darteedna ay go’aansadeen in ay ka baxaan Puntland.

Saraakiisha ayaa sidoo kale tilmaamay in ay diiddan yihiin in Ciidamada Badda Puntland ee PMPF la geeyo Gobolkaasi Gardafuu maadaama sida ay sheegayan Gobolka aysan ka jirin Kooxaha Argagixisada ah ee PMPF-tu la dagaallanto.

Sidoo kale waxay baaq u direen dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka dalbadeen in ay taageerto ciidamadooda inkastoo aysan wax gaar ah ka codsan.

Halkaan ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST