Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, ayaa sida qorshaysan maanta oo Talaado ah lagu kulansiinaya xarunta Madaxtooyada Garoowe, si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya labada hoggaamiye.
Qaar kamid ah Isimada Puntland iyo Guddoonka Baarlamanka, oo maalmihii u dambeeyay waday dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash, ayaa labada mas’uulba ku qanciyay in la is hor-fariisiyo, si loo dhammeeyo khilaafkooda.
Isimada dhex-dhexaadinta waxaa kamid ah Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Boqor Cabdullaahi Axmed Cali Daba-gooye, Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.
Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa maalmihii la soo dhaafay Madaxweyne Deni iyo Ku xigeenkiisa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay, ka hor inta aysan ku ballamin kulanka Maanta oo Talaado ah la isku hor-fariisinayo labada mas’uul.
Wixii Kulankaasi ka soo baxa kala soco Puntland Post