Khilaafkii Deni iyo Karaash oo si rasmiya oo loo xalliyay

Qaar kamid ah Isimada Puntland iyo Guddoonka Baarlamaanka, oo maalmihii u dambeeyay ku howlanaa dhex-dhexaadinta Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa ugu dambeyn ku guuleystay.

War-saxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyay in meesha laga saaray kala aragti duwanaantii dhinaca maamulka iyo shaqada ee u dhexeysay Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa, kadib kulan ay maanta oo Tallaado ah Madaxtooyada Garowe ku wada qaateen Madaxda ugu sarreysa Puntland iyo qaar kmid ah Isimada dhaqanka.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan hoose.

“Madaxweynaha Dowladda PuntlandSiciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland”.

“Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka”.

“Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysaa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka, amniga iyo jiritaanka Puntland”

PUNTLAND POST