Qaar kamid ah isimada Puntland oo isu taagay xallinta Khilaafka Deni iyo Karaash

Qaar kamid ah isimada waaweyn ee Puntland ayaa maanta oo Sabtiya la kulmaya madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya labada mas’uul.

Isimo ay kamid yihiin Ugaas Maxamuud Cabdullaahi Ciise Nuur, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa lagu wadaa in ay maanta la kulmaan madaxweyne Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash si ay u dhex-dhexaadiyaan muranka labada mas’uul.

Isimada oo markii u horraysay u istaagay xallinta Isfaham-waaga Deni iyo Karaash ayaan la ogayn waxay kala soo kulmi doonaan labada dhinac oo khilaafkoodu gaaray heerkii u sarreeyay islamarkaana ku muransan awoodaha uu mid kasta Dastuurku siinayo.

Waxaase xusid mudan in dadaallo hore oo ay sameeyeen dhinacyo kala duwan si loo dhex-dhexaadiyo khilaafka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay dhammaantood fashil ku dambeeyeen kadib markii lagu guul-darraystay in la isu soo dhaweeyo labada mas’uul.

PUNTLAND POST