Deni iyo Karaash oo aqbalay dhex-dhexaadinta Isimada

Qaar kamid ah Isimada waaweyn ee Puntland, oo isu taagay xallinta Khilaafka Deni iyo Karaash, oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka ayaa galabta xarunta Golaha Wakiilada uga yeeray Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, kadib markii uu saaka u gar-dhiibtay Isimada.

Isimada oo ay hoggaaminayaan Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed, ayaa xarunta Golaha Wakiilada kulan kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, waxaana kulanka goob-jooga ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka iyo labadiisa ku xigeen.

Isimada ayaa intii kulankaas socday, waxay Madaxweyne ku xigeenka ka dalbadeen in uu Guddoonka Baaarlamaanka hortiisa ka sheego qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne iyo qodobada Dastuuriga ah ee uu cuskanayo, si loo dhex-dhexaadiyo labada mas’uul.

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalka qaatay, ayaa kulanka ka sheegay in uu Madaxweynaha ka tirsanayo tixgelin la’aan iyo wada-shaqayn xumo ay weheliso jebin Dastuur, wuxuuna si gaar ah u xusay in Madaxweyne Deni uu jebiyay Qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, Fiqraddiisa Labaad oo ku saabsan wada-tashiga Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa.

Kadib markii la dhegaystay doodda Madaxweyne ku xigeenka, ayaa Isimada iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waxay soo jeediyeen, in labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka AVV. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo AVV. Ismaaciil Maxamed Warsame ay si sharciyan ah u soo darsaan awoodaha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka uu Dastuurku kala siinayo.

Labada Guddoomiye ku xigeenka, ayaa la siiyay in ay muddo kooban ku keenaan hawsha loo xil saaray ee la xiriirta kala saarista Awoodaha Dastuurku siinayo Deni iyo Karaash, si hannaan sharciya loogu kala saaro labada hoggaamiye.

Isimada, Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka, ayaa isla gartay in xogta kulankooda aysan bixin ilaa xal rasmiya laga gaaro Khilaafka markaas oo ay war-saxaafadeed ka soo saari doonaan.

Sidoo kale, Isimada ayaa xiriir la sameeyay Madaxweyne Deni oo ay maanta waayeen, waxaana ay ku war-geliyeen in uu maalinta berriya Golaha Baarlamanka yimaado, si isna looga dhegaysto qaladaadka uu ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenkiisa.

Madaxweyne Deni oo Isimada la hadlay, ayaa u ballan-qaaday in uu maalinta berriya, haddii Alle idmo imaan doono xarunta Baarlamaanka, si uu gartiisa u naqdo, waxaana caawa lagu kala seexday intaas.

PUNTLAND POST