Xog: Baarlamanka Puntland oo Qorshe u degay haddii la xallin waayo khilaafka Deni iyo Karaash!

Waxaa weli taagan khilaafka u dhexeeya madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo ku muransan awoodaha Dastuuriga ah ee mid kasta leeyahay iyo shaqada dowladeed ee ka dhexaysa labada mas’uul.

Isku dayo kala duwan, oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, ayaa qaarkood fashil ku dhammaaday, inkastoo ay weli socdaan dadaallada ku wajahan xallinta murankaasi.

Sidoo kale, Puntland kama dhisna maxkamad Dastuuriya oo kala saarta labada mas’uul, maadaama ay ku muransan yihiin awoodo Dastuuriya, haddii ay fashilmaan dhammaan dadaallada ku jihaysan xallinta Khilaafkooda.

Haddaba, mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo diiday in magacyadooda la xigto, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in uu Baarlamaanka dhexdiisa ka socdo qorshe hoose oo ku wajahan khilaafka labada mas’uul, haddii la xallin waayo ka hor Kalfadhiga Baarlamaanka oo ku beegan 15-June-2020.

Qorshahaas oo ay wadaan xildhibaanno miisaan ku dhex leh Baarlamaanka, ayaa lagu doonayaa in mooshin looga keeno Golaha Wasiirada, kadibna dhammaantood la rido, haddii xal loo waayo khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay ku hawllan yihiin in isla Qorshahaas la yeelo oo Golaha Wasiirada la rido, haddii madaxweyne Deni ama madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash midkood mooshin laga keeno, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed.

Balse, Qorshaha Baarlamaanka laftiisa, ayaa u baahan odoros siyaasadeed oo miisaami kara, Natiijada ka dhalan karta Ridista Xukuumadda iyo wejiga ay u yeeli karto Khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

PUNTLAND POST