Minneapolis: Askarigii lagu eedeeyey dilkii ninkii madowga ahaa oo la xiray

Waxaa la xiray Derek Chauvin oo ahaa sarkaal Boolis ah oo lagu eedeeyey dilkii George Floyd oo ahaa nin madow ah oo Isniintii lagu dilay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Derek Chauvin ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah, waxaana laga hayaa fiidiyow, isagoo jilibka kaga riixaya qoorta George Floyd Isniintii, iyadoo Floyd uu ku celceliyay “Ma neefsanayo” kadibna geeriyooday.

Derek Chauvin ayaa kamid ahaa afar sarkaal oo Booliska ah oo shaqada uu ka ceyriyey Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, kuwaas oo loo haysto dilka George Floyd oo ahaa nin ka soo jeeda bulshada madow ee Mareykanka.

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesotta waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey mudaharaadyo rabshada wata oo ay dhigayeen dad ka careysan dil George Floyd.

Dadka careysan ayaa dalbanayey in si deg deg ah loo soo xiro askarigii dilka geystay iyo askartii la socotay.

George Floyd ayaa ahaa 46 sano waardiye ka ahaa mid kamid ah maqaayadaha Minneapolis.

PUNTLAND POST