Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay gurmadka Caafimaad ee la geeyay Cadaado

Madaxeynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee magaalaa Cadaado iyo wararka sheegaya in ay jiraan dad COVID-19 ugu geeriyooday Cadaado.

Kadib kadib markii uu shalay gaaray halkaas ayuu ka hadlay u jeedada safarkiisa isaga oo tilmamaay in uu la xiriiro socdaalkiisu ogaashaha xaaladda caafimaad iyo mid shaqo,waxaana uu tilmaamay in wax badan laga qaban doono xaaladaha caafimaad ee ka jira Cadaado iyo degaanada hoos taga.

Dadka shacabka ah ayuu ugu baaqay in ay ka waantoobaan wax kasta oo u keeni kara dhibaato caafimaad maadaama Corona uu ka dilaacay Cadaado waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in aan la dhayeelsan.

Maamulka Galmudug ayuu tilmaamay Qoor qoor in uu kala hadlay dowladda sidii qalab caafimaad loo gaarsiin lahaa Cadooda isla markaana ay geysay balse dadkuna ay tahay in ay qaataan kaalintooda.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tegay magaalada Cadaado tan iyo doorashadiisii waxaana uu inta uu ku suganyahay uu kulamo la qaadan doonaa maamulada iyo bulshada magaalada Cadaado.

PUNTLAND POST