Hoos u dhac ku yimid kiisaska Xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa saaka oo Khamiis ah warbixin ka soo saartay xaaladda Xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland iyo kiisaskii u dambeeyay ee la diiwaan-geliyay.

Warbixin lagu daabacay bogga wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegay in baaritaannadii u dambeeyay lagu ogaaday in hoos u dhac ku yimid kiisaska la xiriira Xanuunka COVID-19 ee laga helay gudaha Puntland.

Warbixinta wasaaradda ayaa lagu xusay in mudadii u dhexaysay 22-28-kii bishan May xanuunka laga baaray dad gaaraya 87 ruux balse laga helay 8 bukaan oo keliya kuwaas oo kala jooga gobollada Mudug iyo Nugaal.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in tirada guud ee bukaannada laga helay xanuunka ay haatan gaartay 178 ruux kuwaas oo ay ku jiraan 6 bukaan oo u geeriyooday iyo 15 qof oo ka bogsaday xanuunka.

PUNTLAND POST