Faahfaahinta Khasaraha qarax ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa  khasaaraha ka dhashay qarax gaari oo maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxaas ayaa jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Xamarweyne waxaana la sheegay in gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya.

Goob-joogayaal ayaa ku soo warramay in qaraxaasi ka dhacay  inta u dhaxeysa dhabarka dambe ee wadada marta guriga hooyooyinka iyo barxadda iskaashatooyinka.

Sarkaalkii gaarigiisa loogu xiray qaraxa oo magaciisa lagu soo koobay Jaabir ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday qaraxaas.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas sida ay sheegtay warbaahinta taageerta Al-shabaab.

PUNTLAND POST