Dowladda Federaalka oo gurmad Caafimaad gaysay Cadaado

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Diyaarad siday agab caafimaad gelinkii dambe ee Shalay ka dejisay garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado.

Diyaaradda ayaa sidoo kale waxaa la socday dhakhaatiir caafimaad oo baaritaanno la xiriira COVID-19 ka soo sameeynaya degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, si dheecaanada halkaasi laga soo qaado loogu baaro shaybaarka Muqdisho.

Agabka caafimaadka oo isugu jirta marada wajiga lagu xirto, (Face mask), gacmo gashi, sariiro, qalabka dadka neefta siiya iyo agab kale ayaa lagu wareejiyay guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole oo ka mahadceliyay gurmadka deg deg ah ee lasoo gaarsiiyay.

Guddoomiye Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa xusay in dhakhaatiirta ay dowladda Federaalka u soo dirtay Cadaado ay sameynayaa baaritaanno bukaano looga shakisanyahay in ay qabaan cudurka, balse jawaabta saxda ah laga sugi doono marka ay dhamaato baaritaannada.

PUNTLAND POST