Ururada Siyaasada Puntland oo lagu wargeliyay in ay soo dhammaystiraan Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta

Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa ku wargeliyay ururada siyaasadda Puntland in ay ugu dambayn 22-june 2020 ku soo gudbiyaan dhammaystirka Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta.

Qoraal ka soo baxay TPEC ayaa lagu sheegay in Guddigu uu dib u eegis ku sameeyay go’aankoodii hore ee la xiriiray hakinta shirarka Ururada Siyaasadda si looga taxaddaro faafidda Xanuunka COVID-19 sidaasi darteedna ay Ururada siyaasaddu haatan soo gudbistaan Shuruudaha Wejiga labaad ee Diiwaan-gelinta.

Sidoo kale Urur siyaasadeed kasta waxaa lagu wargeliyay in uu qabsado Shirweynihiisa ka hor 22-June2020 si waafaqsan Habraaca iyo Shuruudaha u degsan Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.

Guddiga ayaa sidoo kale Ururada Siyaasadda ku boorriyay in ay taxaddar dheeriya muujiyaan wakhtiyada ay Shirarka qabsanayaan maadaama uu weli dalka ka jiro Xanuunka COVID-19 islamarkaana ay raacaan talooyinka Bahda Caafimaadka si loo ilaaliyo bedqabka Shacabka.

Halkaan ka akhriso Qoraalka

PUNTLAND POST