Ra’iisul wasaare Khayr oo amray in Gurmad Caafimaad la gaarsiiyo Cadaado

Madaxweyanaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay ka qeyb galay shirka Guddiga Heer Federaal ee Xakameynta Xanuunka COVID19.

Kulankan waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxaana ka qeybgalay xubnaha Guddiga Heer Federaal ee xakameynta COVID19 iyada oo si gaar diiradu loogu saaray kiisaska la xiriira Covid 19 ee 24 saac ee lasoo dhaafay laga soo warinayo degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye ayaa Guddiga uga war bixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Deegaanada Galmudug ee Cudurka Coronavirus.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa amray in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo deegaannada Galmudug ee xaaladaha daran ay ka jiraan gaar ahaan Magaalada Cadaado.

PUNTLAND POST