Militariga Soomaaliya oo Al-shabaab saddex degaan ka qabsaday xubno badana ka laayay

Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa in ay degaanno kala duwan kala wareegeen ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas oo ka dhacay inta u dhexaysa Buulo-burde iyo Jalalaqsi  ay ciidamadu kula wareegeen saddex degaan oo lagu kala magacaabo Afcad Ceel-bacad iyo Abooreey.

Dhamme Cabdulqaadir Cali Nuur oo ka tirsan Ciidamada Militariga ee ka hawlgala gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in in ciidamadu ay cagta mariyeen xarumihii Al-shabaab ee ku yaallay degaannadaas.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalka ay ku dileen ilaa 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab islamarkaana ay dab qabadsiiyeen gaari ciidan hub  iyo raashin ay ka carareen Al-shabaab.

PUNTLAND POST