Al-shabaab oo xukun dil ah fulisay

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa fagaaro ku yaalla Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay halkaas xukun dil toogasho ah ay kula fuliyeen Nin la sheegay inuu horey Dil u geystay.

Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu keentay goobta uu ka dhacayay xukunka dilka toogashada ahaa, isla markaana waxaa xukunka lagu fuliyay Nin lagu magacaabi jiray Max’med Jiinoow Jimcaale.

Qoraal lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegeen in Maxamed Jiinow uu bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay uu gudaha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ku dilay Nin lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Daahir Cali.

Sidoo kale Shabaab ayaa tilmaamay in Ehellada ninkii uu horay u dilay Maxamed Jiinow ay qisaasta dalbadeen, isla markaana sidaas goob fagaare ah loogu qisaasay Ninkaas.

Al-shaabaa ayaa dhowr jeer sidaan oo kale deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin waxaa ay xkuno kala duwan oo dil toogasho ahaa ee ku fuliyeen dad ay ku eedeeyeen inay la shaqeyn jireen dowladda Federaalka iyo kuwa kale oo dilal geystay.

PUNTLAND POST