Jubaland oo dalbatay in dalka laga cayriyo Francisco Madeira

Madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa War kasoo saartay hadal dhowaan ka soo yeeray Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa AMSIOM Francisco Madeira kadib khudbad uu u jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Qoraal ka kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Francisco Madeira uu lumiyay kalsoonidii iyo dhex-dhexaadnimadii looga baahnaa kadib markii uu gef u gaystay mid kamid ah Beelaha dega Jubaland.

Sidoo kale Qoraalka waxaa lagu caddeeyay  in Francisco uusan dhex-dhexaad ka noqon karin Arrimaha Soomaaliya isla markaana faragelin uu ku sameeyay siyaasadda dalka taasin ay ka hor imaanayso shaqada uu hayo.

Sidoo kale Jubaland waxay ku baaqday in dalka laga eryo Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa AMSIOM Francisco Madeira maadaama uu fara-gelin ku hayo arrimaha gudah ee dalka.

PUNTLAND POST